Kakor (cookies) Trafikverket använder kakor för att förbättra och anpassa ditt besök på vår webbplats. Genom att använda webbplatsen accepterar du användandet av dessa kakor.
Läs mer om kakor och hur du avaktiverar dem

Soomaali (Somaliska)

Imtixaanadee  ayaa lasameen karaa wixii ka biloowda 4 bisha maj?

Helida waqtiyada imtixaanada ayaa aad ugu yar sidii horey ayahaan jireen sababtoo ah cudurka covid19 awgiis.

  • Dhamaan imtixaanada oo dhan waad xiran kartiin lakiin waxaan ahmiyada siineynaa dadka qadanaayo imtixaanada waaweyn sida kuwa ku shaqeeya baabuurta waaweyn. Waxaa ka mid ah kuwaan hoos kuxusan.

    – C iyo D dhaamantood.
    – Taxi imtixaanka.
    – YKB imtixaanka ah.
    – ADR imtixaanka.
    – Certifieringsprov imtixaanka ah.
    – Lokförarprov imtixaanka ah.

  • Waxaan laguu ogalyahay 2 tioriiga ah iyo labo wadida gaariga ah marka ugu horeeyso oo aad sameeyneyso imtianada kala ah A.AM.B.iyo imtixaanka taxikaga.

Imtiaanka ii booking gareeysan masameen doona mie?

Waxaan raaceyna talo jeedinta haayada caafimadka wadanka sidaas daraateed waxaa imaan karaa go aano cusub ama isbadelka cudurka caabuqa ayeey ku xirantahay.

Sidaas darteed kama jaawaabi karno hada inaan hada imtixaanada yareeyneyno iyo inkale.

Ilaa iyo intee ayuu imtixaankeyga shaqeeynayaa hadaan ku baaso tioriiga?

  • Hadii aad heysato imtixaan aad ku baastay kahor bisha Mars 1 oo ilaa iyo 30 bisha mars 2020 ku eeg waxaa la kordhiyey 6 bilood.

  • Hadii aad imtixaanka tioriiga aad ku baastay 1 bisha mars 2020 iyo inta u dhaxeeyso bisha september 30 waxaa u shaqeenayaa 6 bilood.

  • Wixii kadanbeeya 30 bisha september 2020 wa sida caadiga ah 4 billood.

Lacag laan miyaa hadan imtixaankeyga iska kansalo?

Haa waa lacag la aan xitaa hadeey sacado ka yartahay 24 afarsaac gudahood lakiin waad inaad nasoo wacdaa sida ugu dhaqsiyaha badan. Hadii aad lacagta kahor imtixaanka aad bixisay waa lagu soo celinayaa.

Lasoco! Hadaa aad kansaleeysid imtixaanka wadida gaariga waxaa lacagta lagaadhafayaa hadii aad ku baastay imtixaanka tioriiga marka hore.

Waxaan kansalay imtixaankeygii sideen ku helayaa lacagtii aan bixiyey?

Hadii aad lacagta aad ku bixisay karka bangika oo aanan lacag deyn ah horey lagugu laheyn waa laguu soo celinaa karka aad ku bixisay. Dhowr malmood ayeey qadaneeysaa inta aad lacgta kontada aad ka arkeysid.

Hadii aad leedahay bankiga Swedbank ayaa lacagta lagu soo dirayaa. Hadii aad rabto lacagta waqti hore in lagu soo celiyo nasoo wac.

Waan xanuunsanaa sidaas darteed manantagin imtixaankeyga mana kansalin ma inaa bixiyaa mise?

Hadaad heysatay waqti aad imtixaanka ku kansashid waa lagaa rabaa lacgta inaad bixiso. Lakiin hadaa aad ku jirtay isbitaal waad inaad nala soo xiriirtaa oo aad noo keentaa warqad dhaqtarka isbitaalka aad ku jirtay.


Kusoo dhawow maamulka gaadiidka (Af-soomaali)

Halkaan waxaad ka heleysaa warbixin af-soomaali ah oo ku saabsan leysinka baabuurta lagu wado/kaxeeyo iyo imtixaanka wadista baabuurta. Waxaad kaloo ka aqrisan kartaa

waxa maamulka gaadiidku qabtaan iyo sida aad noola soo xiriirilahay.

Warbixinta maamulka gaadiidka ee af-soomaaliga ah waa wax lasoo koobay. Luuqada ingriiska warbixin intaa ka balaaran ayaad ka heleysaa.

Su' aalaha laxiriira sidii aad u' bixin lahayd canshuurta gelista magaalada gudeheeda (trängselskatt), waxa aad sameyneyso hadii aad baabuur gadato ama aad iska gadeysid, ama sida aad yeeleysid hadii aad rabtid inaad baabuurkaaga kasaartid qarash bixinta oo dhan waxaan kuu tilmaameynaa gudiga gaadiidleyda (Transportstyrelse).

www.transportstyrelsen.se

Taleefoon: 0771-503 503

Dalbo qoraalo af-soomaali ah.

Dukaanka qoraalada/daabacaada waxaad ka heleysaa maqaalo af-soomaali ah kuwaasoo aad soo dejisan kartid ama aad dalban kartid.

Qoraalo afaf kale ah